Madaxweynaha dalka Estonia oo maanta booqasho ku imaanaysa Kenya

0
384

Waxaa maanta dalkani Kenya safar rasmi ah ku soo gaari doonto hoggaamiyaha wadanka Estonia Kersti Kaljulaid .
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa lagu wadaa inuu aqalka madaxtooyada dalka ee State House ku qaabilo dhigiisa Estonia.
Wufuud ay hoggaaminayaan labada dhinac ayaa ka wada hadli doono dhowr arrimood oo dan u ah dowladahan.
Booqashada taariikhiga ah ee madaxweyne Kersti Kaljulaid ayaa noqonaysa booqashadii ugu horreysay oo rasmi ah oo uu hoggaamiye ka socda Estonia ku yimaado dal Afrikaan ah.
Afhayeenka madaxtooyada dalka Mrs. Kanze Dena Mararo ayaa sheegtay in warbaahinta lala wadaagi doono faahfaahin dheeraad oo ku aaddan safarka Kersti.