Waxaa degmada Ol-moran ee ismaamulka Laikipia dab lagu qabadsiiyay guriyo gaaraya 22 halka ay barakaceen 150 qof.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka Rift Valley Mr. George Natembeya oo warbaahinta kula hadlay Nakuru ayaa sheegay in la sii wadaya howlgallada ammaanka lagu sugaya.
Waxaa uu dadweynaha guriyahooda ka qaxay ka codsaday inay dib u soo laabtaan isagoo u xaqiijiyay in aan la dhibaateyn doonin.
Mr. Natembeya oo warbaahinta faahfaahin ka siiyay saameynta ka dhalatay falalka amni darrada ee halkaasi ka jiro ayaa yiri.
Amni darrada Laikipia ayaa salka ku haysa dhaca xoolaha iyo khilaaf u dhexeya xoolo dhaqatada iyo beeralayda.
Qaar ka mid ah dadka barakacay ayaa dareenkooda warbaahinta la wadaagay.