Taliyihii MD Farmaajo u magacaabay sirdoonka NISA oo xilka la wareegay

0
437

Waxaa Taliska Nabad Sugida iyo Sirdoonka Soomaaliya ka dhacday munaasabad uu xilka kula wareegay Taliyaha cusub ee Ku-meel-gaarka ah ee HSNQ, Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, sida lagu sheegay qoraal lagu baahiyay barta twitter-ka ee NISA.
Madaxweynaha ayaa si kumeel gaar ah hoggaanka NISA ugu magaacabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo haatan ah Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir “inta laga soo magacaabayo taliye cusub oo ku yimaada hab waafaqsan sharciga iyo Dastuurka KMG ee dalka.”
Farmaajo ayaa dhanka kale si kumeelgaar ah xilka uu banneeyay Fahad ugu magacaabay Gaashaanle Sare Yaasiin Cabdullaahi Maxamuud, oo ahaa Taliyaha Nabad Sugidda ee Gobolka Banaadir.
Xeerka Madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Facebook ee Villa Somalia ayaa lagu sheegay in Farmaajo uu “aqbalay istiqaalada uu usoo gudbiyay Agaasimahaha Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (HNSQ) Mudane Fahad Yaasiin, isagoo ku bogaadiyay shaqadii wanaagsanayd ee uu ka qabtay dib u habeynta Hay’adda”.
Ra’iisal wasaaraha oo ka jawaabaya go’aanka madaxweynaha ayaa sheegay in talaabooyinka uu qaaday Madaxwaynuhu in ay yihiin kuwa lagu carqaladaynayo in si dhammaystiran looga gungaaro kiiska Ikraam Tahliil Faarax.