Dowladda aan rasmiga ahayn ee Myanmar oo ku dhawaaqday kacdoon ka dhan ah milatariga

0
445

Dowlad aan rasmi ahayn oo ay soo dhiseen mas’uuliyiin horay uga tirsanaa maamulkii Myanmar ee awoodda laga faramaroojiyay ayaa ku dhawaaqday wax loogu yeeray dagaalka difaaca shacabka ee looga soo horjeedo ciidamada milatariga ee xukunka la wareegay kowdii bishii Labaad ee sanadkaan.
Duwa Lashi La oo ah ku simaha madaxweynaha dowladda isugu yeerta midnimada qaran oo ay aas-aaseen xildhibaanadii ay ciidamada milatarigu awoodda ka tureen ayaa warkan ku shaaciyay muuqaal lagu baahiyay barta Facebookga maanta.
Waxaa ay sheegeen in maadaama ay tani kacdoon tahay ay guud ahaan muwaadiniinta dalka Myanmar ka soo horjeedaan waxa ay ugu yeereen argagixisada maamulka milatariga ee uu hoggaaminaya Min Aung Hlaing.
Dalka Myanmar ayaa qalalaase ku jiray tan iyo markii uu Jeneraal Ming Aung Hlaing awoodda kala wareegay xukuumaddii sida dimuqraadiga la doortay ee ay madaxa ka ahayd Aung San Suu Ki.