Guddoomiyaha Wajeer Axmad Cali Muktaar oo sheegay in xafiiskiisa burbur loo gaystay

0
627

Barasaabka ismaamulka Wajeer Axmad Cali Muktar ayaa sheegay in guddoomiyihii hore ee dowlad deegaankaasi Maxamad Cabdi Maxamuud uu burbur u gaystay maanta xafiiskiisa islamarkaana warbixin rasmi ah u gudbiyay waaxda adeegga booliska.
Waxaa uu sheegay in maamulkiisa uusan dulqaadaneynin falalka anshax-xumada, iyo isu -imaatinka aan mas’uuliyadda lahayn ee wax u dhimaya amniga xarunta guddoomiyaha Wajeer.
Tani ayaa kusoo aadyso iyadoo guddoomiyihii hore Wajeer Maxamad Cabdi Maxamuud oo horay u hoggaamin jiray dowlad deegaankaasi ka hor inta aan xilka laga xayuubin oo maanta tagay halkaasi.
Xilli uu maanta dadweynaha kula hadlay magaalada Wajeer ayuu sheegay inuu weli xafiiska joogo oo uu gudanaya waajibaadkiisa dastuuriga ah.
Waxaa uu tilmaamay in wixii isqabqabsi siyaasadeed ah ay waaxda garsoorka go’aan ka soo saareyso balse uu barasaabka hadda xilka haya u aqoonsan yahay inuu weli ku xigeen u yahay.
Sidoo kale waxaa uu waxba kama jiraan ku tilmaamay tallaabadii lagu soo magacaabay sidoo kalena lagu ansaxiyay in Haashim Muuse Yuusuf uu noqdo barasaab ku xigeenka Wajeer.
Maxamad Cabdi ayaa carrabka ku adkeeyay in ismaamulka Wajeer aynan dhibaato dhanka hoggaanka ah ka jirin.