Dowlada oo bandow 6 maqribnimo bilaabanaya uga dhawaaqday Laikipia

0
669

Dowlad dhexe ayaa ismaamul goboleedka Laikipa ku soo rogtay bandow ka bilaabanaya 6-da maqribnimo kuna eg 6-da Subaxnimo waxaana sidoo kale halkaas ka bilaabanaya howlgalo amni.
Go’aankaan ayaa ka soo baxay kulan ay yeesheen gudiga amniga qaranka oo dib u eegis loogu samaynayay xaaladaha amaan ee deegaano ka tirsan maamul goboleedka Laikipa.
Bayaan uu maanta soo saaray wasiirka arimaha gudaha ee dalka Dr Fred Matiang’i ayuu ka sheegay shirka golaha amniga qaranka in xaaladaha amaan daro ee aagaas ay sii kordheen sababo la xiriira Xatooyada lo’da,daaqa iyo biyaha oo la isku qabsanayo iyo shacabka oo hub sharci daro ah haysta taasoo sii kordhisay rabshadaha.
Wasiirka arimaha Gudaha ee dalka ayaa shaaciyay in ismaamulka Laikipia khalkhal dhanka amaanka ah uu ka jiro sidaas darteedna howlgalo amni ay ka jiraaan.
Dhamaan hogaamiyeyaasha oo ay ka mid yihiin siyaasiinta,ganacsatada Saraakiisha dowlada iyo cidkasta oo si sharci -darro ah xoolahoodii ugu raray aagga colaadduhu ka jiraan ayaa la faray inay halkaas xoolahooda ka saaraan mudo 48 saacadood gudahood ah.