Ra’isulwasaaraha Soomaaliya oo maxkamada ciidamada amray baaritaanka kiiska Ikraan Tahliil

0
589

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa la kulmay Taliyaha Saraakiisha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka, Hoggaanka Maxkamadda Ciidammada Qalabka sida iyo Taliska iyo Booliska Gobolka Banaadir.
Warsaxaafadeed kasoo baxay Xafiiska ra’isulwasaare Rooble ayaa lagu sheegay inuu Ra’iisul Wasaaruhu faray Xeer Ilaalinta iyo maxkamadda Ciidammada Qalabka sida ee Soomaaliya inay baaritaan rasmi ah oo deg deg ah ku sameeyaan kiiska Ikraan Tahaliil Faarax.
Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha waxa uu faray Agaasimaha taliyeyaasha nabad sugidda iyo booliska gobolka Banaadir inay maxkamadda gacan buuxda ku siiyaan gudashada waajibkeeda, maadaama ay horay u jireen caqabado ay ka cawdeen guddigii horay loogu saaray kiiska Ikraan.
Kulankaan uu Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay Saraakiisha Hay’adaha Amniga dowlada ayaa kusoo aadaya xilli warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isulwasaaraha lagu sheegay in shaqa joojin lagu sameeyay Agaasimaha Hay’adda NISA, hayeeshee lagu diiday qoraal kale oo kasoo baxay Xafiiska madaxweynaha Soomaaliya.