Wiilka uu dhalay madaxweynihii hore ee Libia oo si toos ah Turkiga ugu duulay ka dib markii xabsiga laga sii daayay

0
537

Sacdi Gadaafi oo uu dhalay madaxweynihii hore ee dalka Libiya Ma amar Gadaafi ayaa xabsiga laga siidaayay sida ay ilo ka tirsan wasaarada cadaalada dalkaasi u xaqiijiyeen wakaalada wararka ee AFP.
Warbaahino kala duwan ayaana islamarkiiba waxay tabiyeen Axadii inuu diyaarad toos ah u raacay dalka Turkiga,ninkaan ayaana kadib markii xabsiga laga sii daayay wuxuu xor u ahaa inuu dalkiisa ku noolaado ama uu ka baxo sida ilo wareedyo laga soo xigtay.
Sacdi oo 47 sano jir ah ayaa si aad ah loogu yaqaanay kubada cagta intuu uu aabihiis hayay xukunka dalka Libiya.
Wuxuu u qaxay dalka Niger kadib kacdoonkii aabihiis xukunka looga tuuray ka hor intaan dib loogu soo celin dalka Libiya.
Ciyaarhankaan hore ee kubada cagta ayaa ku xidhnaa xabsi ku yaalada caasimada dalka Libiya ee Tripoli waxaana lagu eedeeyay danbiyo ay ka mid yihiin dhibaatooyin loo gaystay dad mudaharaadayay sanadkii 2011-kii iyo dilkii tababarihii kooxda kubadda cagta ee Libya Bashir al-Rayani loo gaystay Sanadkii 2005.
Bishii April sanadkii 2018-kii maxkamda racfaanka Libiya ayaa ku wayday danbiga dilkii tababare Rayani.
Intii uu socday kacdoonkii Libya waxaa la dilay sadex ka mid ahaa 7 wiil ee uu dhalay Ma Camar al qadaafi wixii xiligaas ka danbeeyayna wuxuu dalku galay fowdo, iyadoo kooxaha iska soo horjeeda ay ku loolamayaan awoodda.
Balse heshiis Xabbad –joojin ah oo la gaaray Sanadkii hore ayaa soo afjartay dagaalo-kooxeedkii Libya wuxuuna u gogol xaaray wada -hadallo nabadeed iyo dhismaha dawlad ku -meel -gaadh ah bishii March, ka hor doorashooyinka la qaban doono bisha 12 ee sanadkaan.
Balse diyaargarowga doorashadaas waxaa hareeyey muranno u dhexeeya daneeyayaasha muhiimka ah oo ku saabsan goorta la qabanayo doorashada, qaabka loo qabanayo, iyo qodobo kale dastuuriga ah.