Shacabka Guinea oo u dabaaldagaya xukun ka tuurida Alphs Conde

0
496

Shacabka dalka Guinea ayaa isugu soo baxay wadooyinka waa weyn ee Conakry Caasimada dalkaasi ayagoo u dabaaldagayaan in xilka laga tuuray madaxweynihii wadankaasi Guinea Alpha Conde waxayna bogaadiyeen talaabada Ciidamada Milatarigu ku xireen Madaxweynaha kadib rasaas xooggan oo saacado laga maqlayay Caasimada.
Arintaan ayaa timid kadib markii saraakiisha ciidamadu Telefeshinka qaranka Guinea ka shaaciyeen in dowladii lagu kala tiray awood milatari.
Qaar ka mid ah shacabka isugu soo baxay wadooyinka magaalada Conakry ayaa sheegay inay faraxadooda muujinayaan maadaama mudo badan kadib meesha laga saaray madaxwey conde.
Kadib afganbiga mitarariga waxaa la xiray Xuduudaha dalka dastuurkana waxaa lagu dhawaaqay inuu yahay mid aan ansax ahayn sidaas waxaa telefishinka dowladda Sarkaal lagu magacaabo Col. Mamadi Doumbouya, oo u sheegay dadka reer Guinea in waajibka askarigu yahay badbaadinka dalkiisa.
Goor sii horaysa Qm iyo dalalka Faransiisla ayaa Canbaareeyay talaabada ay maamulka dalka Guinea kula wareegeen ciidamada milatariga.
Urur goboleedka Galbeedka Afrika ee loo yaqaan ECOWAS ayaa si deg de gag u soo saaray bayaan ay ku canbaaraynayaan isbedeladka ka dhacay Guninea, iyagoo ku hanjabay cunaqabateyn dalkaas lagu soo rogi dooni haddii aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo siidayn madaxweyne Alpha
Xoghayaha guud ee Jimciyada Qaruumaha ka dhexaysa Antonio Guterres ayaa bartiisa tweeterka ku sheegay inuu si adag u canbaaraynayo awood la wareegitaanka miatariga Guinea
Wuxuu ku sheegay dib u dhac weyn oo ku yimid dalka Guinea,oo hada ay furmeen bogaga awooda milatariga dad badani rajaynayeen in waddanku u rogay bogagga awooda militariga.