Xoghayaha guud ee Xisbiga Jubillee oo madaxweyne ku xigeenka ka dalbaday inuu hantidiisa sharaxaad ka bixiyo

0
590

Xoghayaha guud ee Xisbiga talada dalka haya ee Jubillee Raphael Tuju ayaa eedaymo u jeediyay madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto wuxuuna ka dalbaday inuu hantidiisa faahfaahin ka bixiyo.
Arrintan ayaa timid kadib markii wasiirka wasaarda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i dhawaan wax laga waydiiyay sababta isbadalka looga sameeyay isbadalka loogu Sameeyay ilaalada guryadaha Madaxweyne ku xigeenka dalka.
Qoraal uu isniinta maanta ah soo saaray mr Tuju ayuu su’aal ku galiyay kororka dhaqsaha ah ee uu sheegay inay hantida madaxweyne ku xigeenka dalku samaysay mudo 7 sano ah.
Mr Tuju ayaa sheegay in Madaxweyne ku xigeenka dalku sanadkii 2015-kii uu soo bandhigay hanti gaaraysa 100,Milyan balse hada uu dhaqaalihiisu ku dhawyay bilaayiin sida uu sheegay.
Wuxuu tilmaamay in madaxweyne ku xigeenku waraysi uu bixiyay 7 sano ka hor uu kenyanka u sheegay hantidiisu inay 100,milyan hadan balse hada uu leeyahay ganacsiyo,hoteelo iyo dhulal qiimahoodu gaaraya balaayiin shilin sida uu hadalkiisa u dhigay.
Xoghayaha guud ee xisbiga Jubillee ayaa sheegay in warbixinta tilmaamaysa inuu madaxweyne ku xigeenka dalku leeyahay ugu yaraan dhul gaaraya ilaa 3,600 oo hektar ay tahay arinta cajiib ah loona baahan yahay inuu dhalinyaarada tuso wadada uu u maray xirfadiisa.

Tuju ayaa sidoo kale ku eedeeyay Madaxweyne ku xigeenka dalka Wiliam Ruto inuu aad u qiyaameeyay dowlada uu hogaamiyeo Madaxweyne Uhuru Kenyatta intii u dhexaysay Sanadihii 2013 ilaa 20217 isagoo sida uu hadalkiisa u dhigay uga faa’iidaysanayo dano u gaar ah.
Sida laga soo xigtay xoghayaha guud ee xisbiga talada dalka hay ee Jubille wuxuu tilmaamay in madaxweyne Kenyatta ayaa ku guulaystay inuu dulqaad iyo degganaansho u yeesho ku xigeenkiisa uuna xoogga saarayo ajandeyaashiisa hormarineed.
Wuxuuna madaxweyne ku xigeenka ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar baraha bulshada oo kal hore laga qaaday madaxweynihii ugu horeeyay ee dalka sidoo kalena ahaa aabaha madaxweynaha hada talada dalka Haya Mzee Jomo Kenyatta.
Tuju ayaa ku boorriyay madaxweyne ku –xigeenka dalka inuu si cad u shaaciyo lacagaha canshuuraha ah ee uu ka bixiyo Maamulka aruurinta Dakhliga Kenya ee KRA si waxkasta u kala cadaadaan gaar agaan inay sax tahay dhaqale gaaraya ilaa 1.5 Milyan oo ka soo gala goobta digaaga lagu xanaaneeyo.
Waxyabaha kale ee xoghayaha Jubille ku edeeyay madaxweyne ku xigeenka waxaa ka mid ah fadeexadii biyo xireenada Arror iyo Kimwaree arin la xiriirta ganacsiyo uu sheegay inuu Talyaaniga ku leeyahay iyo shirkado kale oo uu tilmamaay inay sheer ku leeyahay.
Wuxuuna ka codsaday madaxweyne ku xigeenka dalka inuu Jawaab cad oo rasmi ah ka bixiyo arimo badan oo dani ugu jirto inay kenyanku wax badan ka ogaadeen.