Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa sheegay in dowladda ay gacanta kusoo dhigi doonto waalidiinta carruurtooda ku guuldareysteen inay ku biiraan fasalka koowaad ee dugsiga sare ee gobolkaasi.
Waxaa uu sheegay in dowladda aysan ka laaban doonin dadaalka ay ugu jirto si loo hubiyo in boqolkiiba boqol ardaydii sameysay imtixaankii fasalka sideedaad ee dugsiga hoose dhexde ee KCPE-da ay ku biiraan dugsiyada sare.
Mr. Elungata ayaa sheegay in saamileyda waxbarashada ee gobolka xeebta ay ka go’aan tahay inay hubiyaan in dhammaan ardaydii dhameysay dugsiyada hoose dhexe ay u gudbaan dugsiyada sare.
Waxaa uu faray guddoomiye xaafadeedyada, ku xigeenadooda iyo saraakiisha waxbarashada ee heer degmo hoosaad inay galaan guri-ka-guri si loola xisaabtamo waalidka hadii canugiisa dhameeyay dugsiga hoose dhexe uunan gayn dugsiga sare.
Waxaa uu sheegay in waalidiinta carqaladeenaya fulinta qorshaha dowladda ee ah in ardayda dhameeyay dugsiyada hoose dhexe ay boqolkiiba boqol u gudbaan dugsiyada sare ee dalka tallaabo laga qaadi doono.
Isku duwaha ammaanka ee gobolka xeebta John Elungata ayaa carrabka ku adkeeyay in waalidka uu canugiisa ka hor istaagi karin xaqa dastuurka ee ah inuu wax barto.
Home Wararka Kenya Waalidiinta ku guul dareystay inay carruurtooda geeyaan dugsiyada sare oo khatar ugu...