Maxaa ka jiro in Anne Waiguru ay ku biireyso xisbiga UDA ee William Ruto?

0
405

Barasaabka ismaamulka kirinyanga Anne Waiguru ayaa shaaca ka qaaday in wakhti xaadirkan aysan qorshaha ugu jirin ku biirista xisbi cusub.
Xilli ay wareysi siisay idaacadda maxalliga ah ee Spice FM ayaa wax laga weydiiyay hadii ay xisbi cusub ku biiri doonta ka hor doorashada guud ee sanadka dambe.
Waxaa ay ka dhawaajisay in wakhtigan ay tahay xilli hore islamarkaana aysan qiyaasi karin xisbiga ay ku biiri doonto.
Mar wax laga waydiiyay in ay kubiirayso xisbiga UDA ee uu hogaamiyo ku xigeenka madaxweynha dalka iyo in kale, ayay kaga jawaabatay in xilligan aysan shacinaynin xisbiga ay ku biirayso taa beddelkeeda ay xoogga saari doonto oo la tashiyo ay la yeelan doonto bulshada ay matasho ee ismaamulka Kirinyaga si ay u dhageysato rabitankooda siyasadeed ee mustaqbalka.
Mrs. Anne Waiguru ayaa dhanka kale ka dhawaajisay in aysan ka hor imaan doonin rabitaanka shacbka ay matasho kuwaas oo ay sheegtay in ay yihiin kuwa uu ku xiran yahay go’aan qaadasha mustaqbalkeeda siyasadeed iyo xisbiga ay ku biri doonto.