New Zealand oo in muddo ah ku daadalaysay musaafurinta qof dhawaan weerar gaystay

0
406

Ra’iisul wasaaraha dalka New Zealand Jacinda Ardern ayaa sheegtay in dowladeeda ay isku dayaysay sanado badan inay masaafuriso ninkii weerarka toorreyda ku dhawaacay toddobo qof magaalada Auckland ka dib isna la toogtay.
Hadalka ra’iisul wasaaraha New Zealand ayaa ku soo aadaya ka dib markii maxkamad ku taalla dalkaasi ay oggolaatay in la daabici karo macluumadka la xiriirka ninka weerarka geystay 3-dii bishaan.
Bayaan ka soo baxay maxkamadda ayaa magaca ninkan lagu sheegay Axmad Aathil Maxamad oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Sri Lanka.
Ninkan oo da’adiisu lagu sheegay 32-sano jaro ayaa dalka New Zealand tagay 10 sano ka hor isago codsaday dal ku gal madaama xilligaasi uu doonayay inuu wax ku barto wadankaasi.
Mrs. Jacinda Ardern ayaa xustay in booliska iyo laamaha ammaanka dalkaasi sannadkii ay 2016-kii ninkan qabteen ka dib markii barta Facebook uu taageero beer jileec laga dheehan karo ugu muujiyay weerarrada ay gaystaan argagixisada.