Madaxa xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay inay lagama maarmaan tahay in la xaqiijiyo sidii dhammaan kenyaanka ay ku heli lahayeen adeegyo caafimaad oo wax ku ool ah.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in qaar ka mid ah shacabka ay culeyso dheeraad ah kala kulmaan in looga adeego isbitaallada wadanka.
Mr. Odinga ayaa ku celceliyay in ilaa iyo hadda ay jiraan arrimo ay hiigsanayeen halyeeyadii u soo dagaallamay xornimada wadanka oo aan weli lagu guulaysan.
Waxaa uu tusaale u soo qaatay in qoysaska loo diido inay aasaan qofka bukaanka ee geeriyooday maadaama lagu leeyahay qarashaadka isbitaalka .