Hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga ayaa sheegay in waaxda booliska ee dalka ay u baahan tahay dib u habeyn buuxda si looga fogaado waxaa uu ku tilmaamay maskaxda gumeysiga.
Waxaa uu sheegay in ciidanka boolisku ay sii wadaan adeegsiga hababka gumaysiga, sida qabqabashada iyo dhibaateynta dadka rayidka ah.
Waxaa uu sidoo kale xusay in ciidamada dhaxdooda ay dhibaato isu geystaan.
Raila ayaa xusay in dowladda ay tahay inay eegto arrimaha sida mushaaraadka, guryeynta iyo xitaa dharka ay askarta booliiska xirtaan taasoo uu tilmaamay inay wax ka beddeli doonto adeegga booliska.
Ra’iisul wasaarihii hore ee dalka oo wareysi siiyay idaacadaha ku baxa afka luuqadda qowmiyadda Kikuyu-da ayaa sheegay in Kenya aysan maalgelin dib u habaynta booliiska, taasoo si xun u saamaysay adeegga waaxdan.
Waxaa uu sidoo kale xusay in maalmihii gumeysiga shaqada boolisku ay ahayd in la xiro oo la garaaco dadka rayidka ah, balse hadda booliska laga doonaya inuu noqda mid u adeegga dhammaan muwaadiniita.
Mr. Odinga ayaa ku kaftamay in dharka cusub ee buluugga ah ee uu ka dhigayo booliiska inay u ekaadaan waardiyayaal.
Madaxa xisbiga ODM ayaa carrabka ku dhuftay hadii loo doorto madaxweynaha dalka uu dib u habeyn ku samayn doono waaxda adeegga booliska islamarkaana wax ka beddeli doono noloshooda, hubinta inay qaatan mushahar fiican iyo inuu siin doono labis wanaagsan.
Cod 5