Waxay maanta ku beegan tahay sanadguuradii 11-aad ee ka soo wareegatay xilligii shaaca laga qaaday dastuurka hadda wadanka laga isticmaalo.
27-kii bishii sideedaad ee sanadkii 2010-kii ayay ahayd markii xeerarkan lagu dhawaaqay.
Isbeddellada uu dastuurka cusub la yimid waxaa ka mid ah hannaanka dowlad wadaajinta ee 47-da ismaamul .
Qaar ka mid ah Kenyaanka oo muujiyay dareenkooda ku aaddan waxyaabaha ay ka faa’iideen dhaqangelinta dastuurkii 2010-kii iyo culeysyada jiro ayaa sheegay in aan la joogin xilligii la beddeli lahaa xeerarka wadanka lagu maamulo.
Sidoo kale waxaa jiro kenyaanka qaar oo dareemaya in musuqmaasuqa uu sare u sii kacay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo maalmo ka hor maxkamadda racfaanka ay laashay qorsho la doonayay in lagu beddelo dastuurka.