Kalonzo oo dacwad ku soo oogaya madaxweyne ku xigeenka dalka

0
793

Hoggaamiyaha xisbiga Wiper Kalonzo Musyoka ayaa ku dhawaaqay inuu tallaabo sharci ah ka qaadi doono madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto oo ku eedeynaya in isaga (Kalonzo) uu si sharci darro ah ku helay dhul ku yaalla Yatta, oo ka tirsan ismaamulka Machakos.
Kalonzo, oo saxaafadda la hadlayay ka dib markii uu Arbacada maanta ah iska xaadiriyay xaruunta dambi baarista dalka ee DCI, ayaa sheegay in waxyaabaha uu Ruto ku soo oogi doona ay ka mid yihiin inuu dhaawacyo sumcadiisa.
Madaxweyne ku -xigeenkii hore ee dalka wuxuu ku andacooday in ku xigeenka madaxweynaha ee hadda dhaawacay sumcadiisii markii uu ku eedeeyay inuu si sharci -darro ah ku qaatay dhulka, si kastaba ha ahaatee isagoo raaciyay in DCI aysan helin wax caddeyn ah oo qiil u noqon kara eedeymahaasi.
Kalonzo ayaa markaas ka dib weerar afka ah oo kulul ku qaaday madaxweyne ku -xigeenka, isagoo ku eedeeyay inuu si sharci -darro ah ku helay dhulal kala duwan oo ku yaal meelo kala duwan oo dalka ah oo ay ka mid yihiin Laikipia iyo Nairobi.