Wakiilka deegaanka hoose ee Tarbaj ee ismaamulka Wajeer Ciise Garoore ayaa raaligelin ka bixiyay awood uu sheegay in ciidamada ammaanka ay shalay u adeegsadeen shacab ka soo horjeeday ansaxinta miisaaniyadda dhaqaale ee dowlad deegaankaasi.
Waxaa uu arrin laga xumaado ku tilmaamay in bannaan bixii dadweynaha iyo ururrada bulshada uu dhaawac sababay.
Wakiilka Tarbaj ayaa sidoo kale faahfaahiyay muhiimadda ay leedahay inay shalay ansaxiyeen miisaaniyad sanadeedka ismaamulka Wajeer ee sanadka 2021-2022-ka