Waxaa maanta lasoo geba-gabeeyay fadhiyo dhowr ah oo ay maxkamadda Gobolka Galgaduud ka yeelatey dhageysiga dacwad ciqaabeed loo haystay nin lagu magacaabo Maxamed Cabdi dhoore, oo ay Maxkamaddu kusoo eedeeysay kufsi iyo Af-duub uu ka gaystay Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud 19-kii bishaan, falkaasi uu kula kacay Gabar yar oo 6-sano jir ahayd isla ]markaana uu u gaystay dhaawac daran.
Xeer-ilaaliye kuxigeenka Maxkamadda gobalka Galgaduud Cabdixakiin Maxamed Xirsi, ayaa fadhiyada kala dambeeyay ee maxkamadda kusoo bandhigey qiraal laga qoray eedeysanaha iyo cadaymo kale oo muujinayay sida falku u dhacay oo ay ka mid yihiin warqadda dhaqtarka, dharkiii gabadhu xirneyd iyo sawirrada goobta oo dhamaantood xeer ilaalintu dalbatay in loo cuskado ciqaabta la marsiinayo eedeysanaha.
Dhanka kale Axmed Salaad Kullane, Garsooraha Maxkamada gobolka Galgaduud oo dhageystay darafka kale ee dacwadda ayaa ka codsaday Maxkamadda iyadoo la eegayo qiraalka eedeysanaha in la qafiifiyo ciqaabta uu wajahi karo eedaysanuhu waxuuna xiritaankii fadhiga Maxkamadda kaga dhawaaqay xukun 5-sano oo xabsi ah iyo bixinta labo halaad oo Maxkamaddu sheegtay inay noqonayaan dhiiga Gabadha yar ee la dhibaateeyay.
Audio Player