Hogaamiyaha cusub ee Zambia Hakainde Hichilema ayaa loo dhaariyay xilka madaxweynenimo ka dib guushii doorashada oo lagu tilmaamay inay tahay mid naadir ah marka loo eego taariikhda dimuqraadiyadda Afrika.
Hichilema, oo 59 jir ah, ayaa loo dhaariyay xafiiskan Talaadada maanta ah iyada oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen kumanaan ah taageerayaashiisa ee caasimada Lusaka.
Hichilema waa markii lixaad ee uu u tartamayay jagada madaxweynenimada, wuxuuna kaga adkaaday madaxweynihii xilka hayay Edgar Lungu oo 64 jir ah, ku dhawaad hal milyan oo cod.