Madaxweynaha dalka oo sheegay in jago ay ka banaan tahay xafiiska guddoomiyiha guddiga PSC

0
597

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa shaaca ka qaaday inay bannaan tahay jagada xafiiska guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha ee PSC
Tani ayaa kusoo aadeyso ka dib markii guddoomiyihii guddiga adeegga dadweynaha Stephen Kirogo uu geeriyooday bartamihii bishii Shanaad ee sanadkan.
Guddigan ayaa loo xilsaaray inuu kormeero, waxyaabo ay ka mid yihiin, bixinta kheyraadka shaqaalaha oo tayo leh, maamul wanaag iyo weliba adeegyo tayo leh ee dhanka adeegga dadweynaha.
Dhanka kale, madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in laba xafiis ay jagooyin ka bannaan yihiin kuwaas oo kala ah guddiga qaran ee Jinsiga iyo sinnaanta iyo sidoo kale afur xubnood oo ka tirsan guddiga qaranka ee xuquuqda aadanaha ee Kenya.