Madaxa xuquuqul aadanaha ee qaramada midoobey Michelle Bachelet ayaa walaac xooggan ka muujisay xaaladda dalka Afghanistan iyo sida uu ururka Taalibaan ula dhaqmaya haweenka.
Waxaa ay kooxda Taalibaan ku boorrisay inay dhowraan ballanqaadyadii ahaa in la ixtiraamo xuquuqda haweenka iyo gabdhaha.
Ms. Michelle Bachelet ayaa hadalkan ka sheegtay fadhigii gaarka ahaa ee golaha xuquuqda aadanaha ee qaramada midoobay oo diiradda lagu saaray xaaladda Afghanistan.
Dhanka kale, qiyaastii 16,000 oo qof ayaa laga daadgureeyay wadanka Afghanistan 24 -kii saac ee la soo dhaafay, sida ay sheegtay waaxda difaaca Mareykanka ee Pentagon-ka.
Ciidamada Maraykanka ee ku sugan gegida diyaaradaha caalamiga ee caasimaada Kabul ayaa ku daadallaya inay daadguureeyaan dadka ku xanniban garoonka iyadoo wakhtiga kama dambeyska ee Mareykanka ciidamadiisa uu kala baxayo Afganistan ay ku egtahay 31-da bishaan.
Kooxda Taalibaan oo la wareegtay xukunka dalka Afghanistan ayaa uga digtay dowladda Mareykanka inay ka dib dhacdo xilliga kama dambeyska ee uu u qabtay bixitaanka ciidamadiisa.
Tani ayaa kusoo aadeyso iyadoo wadamada ka tirsan dalladda G7 oo ah kuwa ugu dhaqaalaha badan caalamka ay maanta yeelanayaan kulan ay uga hadlayaan daadgureynta ka socota dalka Afghanistan.