Guddiga golaha qaran ee xeer dejinta u qaabilsan arrimaha sharciga ayaa maanta billaabay inuu turxaan bixin ku sameeyo 4 qof oo doonaya inay ka mid noqdaan saraakiisha sar sare ee guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC.
Tani ayaa timid ka dib markii madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta uu magacyada shakhsiyaadkan ku wareejiyay baarlamaanka ka dib turxaan bixin muddo socotay.
Saraakiishan ayaa kala ah Juliana Whonge,Francis Mathenge Wanderi,Irene Cherop Masit iyo garsoore Abonyo Nyang’aya.
Hadii la ansaxiyo waxay buuxin doonaan jagooyinkii ay sanado ka hor iska casileen Paul Kurgat, Margaret Mwachanya , Connie Maina iyo Roselyn Kwamboka Akombe .