Uhuru oo faahfaahiyay sababta aan Ruto looga qayb gelin shirkii uu la yeeshay mucaaradka

0
890

Madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in ku xigeenkiisa William Ruto aan laga qayb gelin kulankii uu horay madaxda mucaaradka kula yeeshay magaalada Mombasa maadaama uunan taageersanayn heshiiskii dhexmaray isaga iyo Raila Odinga.
Mr. Uhuru ayaa si cad u sheegay inaynan jirin sabab qof mas’uul ah loogu casuumi karo qorsho uu ka soo horjeedo.
Madaxweynaha ayaa dhanka kale beeniyay in la kulankii Raila Odinga, Kalonzo Musyoka , Musalia Mudavadi , Moses Wetangula iyo Wycliffe Oparanya looga gol-lahaa in lagu hor istaago qorshaha Ruto ee madaxtinimada.
Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa shirkaasi dhaliilay isagoo xusay in madaxweynaha dalka uu wakhti uga lumayo isku dubaridka siyaasiyiinta mucaaradka.