Madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto ayaa kulan ku saabsan arrimaha dhaqaalaha waxaa uu la yeeshay siyaasiyiinta , aqoonyahaanada iyo dhinacyada daneeya wax soo saarka ee ismaamullada Kakamega, Bungoma, Busia iyo Vihiga ee galbeedka wadanka.
Waxaa uu sheegay inuu horay ula shiray mas’uuliyiinta gobolka Nyanza oo uu qorsheynaya inuu la kulmo madaxda waqooyi bari, Rift Valley iyo bariga dalka.
Ruto ayaa ujeeddada laga leeyahay wada-hadallada ku sheegay in lagu heshiiyo qaab sare loogu qaadi karo dhaqaalaha wadanka iyadoo dhammaan kenyaanka la siinayo fursad siman.
Ku xigeenka madaxweynaha dalka ayaa tilmaamay inay raadinayaan sidii looga gudbi lahaa in horumarka uu qofku ka gaari karo dhanka ganacsiga uu yahay mid ku saleysan ismaamulka uu ka soo jeedo iyo xiriirka saameynta leh ee uu leeyahay si cid kasta ay u muujiso dadaalkeeda iyo hal-abuurkeeda.
Waxaa uu xusay inuu ku faraxsan yahay in madaxda siyaasadeed ay daremeen in doodda ay u baahan yihiin dhallinyarada, ganacsatada iyo si guud kenyaanka ay tahay mid ku saabsan dhaqaalaha.
Dr Ruto ayaa tilmaamay in doodaha dhaqaale kaalin wayn laga siinayo dhallinyarada iyadoo laga faa’iidaysanaya aqoontooda, firfircoonidooda iyo xirfadaha ay leeyihiin .
Madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa carrabka ku adkeeyay inay jiraan 4 milyan oo dhallinyaro oo shaqo la’aan ah ama haya shaqooyin hooseya.
Waxaa uu intaa ku daray in ku dhawaad 8 milyan oo ganacsato ah aynan weli haleelin hiigsigoodii maadaama ay wajahayaan caqabado maaliyadeed .
Ruto ayaa sheegay in dhaqaalaha dalka uu boqolkiiba 50 ku tiirsan yahay wax soo saarka beeraha sidaas awgeedna ay lagama maarmaan tahay in laga faa’iidaysto fursadaha jira.
Mar uu ka hadlayay tirada shacabka ku nool gobolka galbeedka wadanka iyo hoos u dhaca dhanka wax soo saarka ayuu madaxweyne ku xigeenka dalka yiri
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in galbeedka wadanka uu hodon ku yahay saliidda cuntada lagu karsado oo qiimo ahaan dhan 80 bilyan oo shilin.
Hasa ahaate waxaa uu nasiib darro ku tilmaamay in boqolkiiba 90 ee saliiddan in laga soo dejiyo dalka dibadiisa sidaas awgeedna la joogo xilligii la taageeri lahaa wax soo saarka gobolkaasi.
Xildhibaanka bariga Mumias Benjamin Washiali ayaa faahfaahin ka bixiyay noocyada dalagga ka soo baxo beeraha galbeedka wadanka ee ay kala hadleen madaxweyne ku xigeenka dalka William Ruto