Muxuu madaxweynaha dalka ka yiri go’aankii maxkamadda racfaanka ee BBI?

0
669

Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa markii ugu horreysay ka hadlay go’aankii ay maxkamadda racfaanka meesha uga saartay geddisocodkii sharci beddelka ee BBI ee ay xaakiinada ku tilmaameen mid aan dastuuri ahayn.
Hoggaamiyaha wadanka oo la hadlay telefishanka maxalliga ee Citizen ayaa sheegay inuu rumeysan yahay in 6 ka mid ah 7-dii xaakin ee ayiday go’aankii maxkamadda sare ku laashay BBI bartamihii bishii Shanaad ee sanadkan la marin habaabiyay.
20-kii bishaan ayay ahayd markii maxkamadda racfaanka ay geddisocodkii la doonayay in wax looga beddelo xeerarka wadanka u degsna ku tilmaamtay mid sharci darro ah islamarkaana ay ka mamnuucday guddiga madax bannaan ee doorashooyinka iyo xuduuddada dalka ee IEBC inuu qabto afti kasta oo ku saabsan hindise sharciyeedkan.
Mr. Kenyatta ayaa xusay in BBI aysan ahayn ajeendo shaksiyadeed balse ay tahay hindise la doonayay in lagu mideeyo dadweynaha kenyaanka si loo hubiyo in rabshado aysan ka dhicin dalka doorashooyinka ka dib.
Waxaa uu intaa ku daray in BBI ay ahayd qayb ka mid ah ajeendayaashiisii horumarineyd oo uu doonayay inuu ku mideeyo shacabka iyo sidoo kale ilaalinta nabadda iyo xasiloonida wadanka, balse maxkamadda lagu marin habaabiyay go’aankii ay ka qaadatay geddisocdkan.
Madaxweynaha dalka ayaa sidoo kale meesha ka saaray wararka sheegaya in BBI ay gacan ka siin lahayd hoggaamiyaha xisbiga ODM Raila Odinga inuu qabto hoggaanka ugu sarreeya Kenya.
Dhanka kale Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ku gacan sayray warar sheegayay in dib loo dhigo doorashada guud ee sanadka dambe.
Waxaa uu xusay inuunan maqlin wada hadallo ku saabsan dib u dhigidda doorashada, balse uu diyaar u yahay doorasho wakhtigii la qorsheeyay ku dhacdo.
Sidoo kale madaxweynaha ayaa xusay in qorshaha BBI aan lagu soo jeedin inuu muddo dheeraad ah hoggaanka sii hayo.
Waxaa uu ku celceliyay in laga weecday ujeedadii laga lahaa BBI oo lagu soo koobay keliya tartan siyaasadeed.
Madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa tilmaamay in go’aanka maxkamadda uu kenyaanka ka hor istaagay faa’iidooyin badan oo laga dhaxli lahaa qorshaha BBI hadii la dhaqangeliyo.
Sidoo kale waxaa uu sheegay inuu qadarinayo go’aanka maxkamadda in kastoo uunan ku qanacsanayn.
Mr. Kenyatta ayaa carrabka ku dhuftay in go’aankii lagu laalay hannaanka BBI uunan ahayn khasaare shakhsiyadeed oo isaga gaaray.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray in qaar ka mid ah siyaasiyiinta aynan kenyaanka uga run sheegin ujeedka dhabta ah ee sharci beddelka isagoo xusay inay qaadan doonaan go’aan u gaar ah oo ku saabsan tallaabada xigta.