Taalibaan oo amarro cusub ku soo rogtay garoonka diyaaradaha ee Kabul

0
660

Hoggaamiyeyaasha kooxda Taalibaan ayaa amarro cusub ku soo rogay agagaarka garoonka diyaaradaha magaalada Kabul ee caasimadda dalka Afghanistan.
Tani ayaa timid ka dib rabshado maanta ka dhacay halkaasi iyadoo ay kooxdu hubinaysay in dadka ay galeen safaf nidaamsan oo ka baxsan albaabbada waaweyn ee garoonka sidoo kalena aan la aqabaleyn inay isugu soo baxaan hareeraha madaarka.
Dowladda Australia ayaa afar duulimaad xalay ka qaaday magaalada Kabul iyadoo halkaas ka daadgureysay in ka badan 300 oo qof.
Dadkan ayaa isugu jiro muwaadiniin Australian ah, dad haysta dal ku galka Afghanistan, kana soo jeeda New Zealand,muwaadiniinta Mareykanka iyo Ingiriiska u dhashay sida uu sheegay ra’iisul wasaaraha dalka Australiya Scott Morrison.
Arrintan ayaa ku soo aadaysa xili dowladaha Maraykanka iyo Jarmalku muwaadiniintooda uga digeen garoonka Kabul khatar dhanka ammaanka awgeed.
Dhanka kale waxaa jiray duulimaadyo la hakiyay sababo la xiriira rabshado shalay ka dhacay gagida diyaaradaha ee magaalada Kabul.