Ingiriiska oo sheegay in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen garoonka diyaaradaha ee Kabul

0
519

Militariga Ingiriiska ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in ugu yaraan 7 qof lagu dilay meel u dhow gagida caalamiga ee diyaaradaha ee caasimadda wadanka Afghanistan ee Kabul.
Tani ayaa timid ka dib qalalaase ka dhashay dad doonayay inay dalkaasi isaga baxaan.
Hasa ahaate ciidamada gaashaandhigga ee Britain ayaan faahfaahin ka bixin saacadda dadkan ay dhinteen.
Sidoo kale weli ma caddo in tiradan ay tahay mid lagu sii kordhiyay afar qof oo shalay la sheegay inay halkaasi ku dhinteen.