Madaxweyne ku xigeenka dalka oo ka tacsiyeeyay waxgarad ku geeriyooday Wajeer

0
691

Ku xigeenka madaxweynaha dalka William Ruto ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twitter-ka waxaa uu tacsi u diray qoyska, ehellada , asxaabta iyo guud ahaan shacabka Wajeer ka dib geeridii ku timid Maxamadnuur Cali oo ku magacdheeraa Madnuur .
Ruto ayaa qoraalkiisa ku sheegay in Kenya uu ka baxay mas’uul in badan u soo adeegay qaranka.
Waxaa uu Alle ha u naxariistee Maxamadnuur Cali ku tilmaamay shakhsi si wayn ugu ololeyn jiray nabadgalyada sidoo kalena xikmad lahaa.
Dr. Ruto ayaa intaa ku daray in waxgaradkan uu ahaa wakiilkii degmo ee ugu muddada dheera ee Kenya .
Waxaa uu shaqo billaabay xilligii guumaystihii Ingiriiska isagoo la soo shaqeeyay maamulladii xigay.
Waxaa tacsida madaxweyne ku xigeenka dalka diray mas’uuliyiin kale oo ay ka mid yihiin barasaabka Wajeer Axmad Cali Mukhtaar iyo xildhibaanka deegaanka Ceeldaas Aadan Keynaan Weheliye.