DHAGEYSO:Daawooyinka tallaalka COVID19 oo dheeraad ah oo berri dalka la keenaya

0
472

Waxaa la filayaa in berri wadanka la soo gaarsiiyo in ka badan 880,000 oo ah daawooyinka tallaalka cudurka COVID19 gaar ahaan nooca loo yaqaano Moderna .
Waxaa daawooyinkan Kenya ugu deeqday dowladda Maraykanka.
Wasaaradda caafimaadka ee dalka ayaa shaacisay in qorshuhu uu yahay in tallaalka abaare 6:15 ee subaxnimo laga soo dejiyo gagida caalamiga ee JKIA ee magaalada Nairobi waxaana halkaasi ku guddoomi doono wasiirka caafimaadka Mutahi Kagwe iyo safiirka Maraykanka ee Kenya Eric Kneedler.
19-kii bishan siddeedaad ayay ahayd markii ay Kenya 407,000 oo kuuro ama doosees ah ay ka heshay Ingiriiska si sare loogu qaado tallaalka ka dhanka ah caabuqa corona.
Sii hayaha xilka agaasimaha guud ee wasaaradda caafimaadka dalka Dr .Patrick Amoth ayaa horay u sheegay in qorshuhu uu yahay in uguy yaraan 10 milyan oo qof cudurka COVID19 laga tallaalo ugu dambeyn dhammaadka sanadkan halka marka la gaaro bisha lixaad ee sanadka 2022-ka dadka qaatay tallaalka corona la rajeynayo inay tiro ahaan gaaraan 26 milyan.
Dhanka kale ganacsade lagu magacaabo Jimi Wanjigi oo doonaya in sanadka 2022-ka uu u tartamo xilka madaxtinimo ayaa xilli uu maanta ku sugnaa ismaamulka Nakuru waxaa uu dowladda dhexe ugu baaqay inay xaqiijiso in dhammaan Kenyaanka laga tallaalka cudurka COVID19.