Hoggaamiyeyaal Afrikaan ah oo bogaadiyay doorashadii Zambia

0
484

Dalalka ku midaysan urur -goboleedka Koonfurta Afrika ee loo yaqaano SADC ayaa ku bogaadiyay dowladda wadanka Zambia doorashadii sida nabadda ahayd ku dhacday iyo in xukunka lagula kala wareegay qaab habboon ka dib markii siyaasiga rug -caddaaga ah ee ka socday xisbiga mucaaradka uu si weyn ugu guuleystay codeynta.
Maalinkii isniinta ayaa lagu dhawaaqay inuu doorashada ku soo baxay Hakainde Hichilema oo tartanka kaga adkaaday madaxweynihii dalka Zambia soo maamulayay lixdii sano ee la soo dhaafay Edgar Lungu .
Tan iyo sanadkii 1991-dii , waa markii saddexaad ee uu mucaaradka dalka Zambia la wareego hoggaanka iyadoo dalkaasi uu ku yaalla qaarad ay inta badan madaxda xukunka hayaan tobaneeyo sano.
Madaxweynaha wadanka Malawi Lazarus Chakwera ayaa sheegay in qaabka nabdoon ee talada la isugu wareejinayay gobolka Koonfurta Afrika sanadihii ugu dambeeyay ay tahay arrin mudan in caalamka uu bogaadiyo madaxa qaaraddana ay soo dhaweyaan.
Waxaa uu yiri” dhamman madaxda Zambia iyo shacabka waan idin mahad celinayna”
Madaxweynaha dalka Malawi Lazarus Chakwera ayaa qudiisu horay uga tirsanaa garabka mucaaradka wuxuuna hogaanka qabtay sanadkii hore ka dib markii waxba kama jiraan laga soo qaaday guushii Arthur Mutharika oo lagu eedeyay inuu natiijada codeynta ku shubtay.
Wuxuu u sheegay 16-ka dal ee ururka horumarinta Bulshada Koonfurta Afrika ee (SADC) in nabadda iyo amniga gobolku ay ku xiran tahay caadooyinka dimuqraadiyadda oo la joogteeyo iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha.
Madaxweynihii hore ee Zambia Edgar Lungu ayaa markii hore ku andacooday inaysan doorashadu u dhicin si xor iyo xalaal ah markii ay tirinta codadku socotay balse Talaadadii, saacado kadib markii lagu dhawaaqay natiijada codaynta, madaxwyne Lungu ayaa qirtay in laga adkaaday wuxuuna ballanqaaday inuu si nabad ah ku wareejin doono xukunka.
Sidoo kale waxaa uu saacado kooban ka dib kulan la qaatay madaxweynaha cusub ee la doortay Hakaine Hichilema iyadoo ay goob joog ahaayeen hoggaamiyeyaashii hore ee Zambia Rupiah Banda, Jakaya Kikwete oo soo hoggaamiyay Tanzania iyo Ernest Bai Koroma oo ka socday Sierra Leone.
Madaxda dalladda horumarinta dhaqaalaha wadamada koonfurta Afrika ee SADC ayaa dhawaan yeeshay kulankii 41-aad oo sanadla ah.