Ka dib qabsashadii kooxda Taalibaan ee dalka Afghanistan, ayaa waxa soo ifbaxayay in dalalka qaarkood ay dadkooda ka dadgureynayaan wadankaasi.
Wasaaradda arrimaha dibadda ee dalkani Kenya ayaa sheegtay in kenyaanka ka shaqeeya Afghansitan ay dadgureyn doonaan shirkadaha iyo hay’adaha ay u shaqeeyaan.
Xoghayaha joogtada wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Macharia Kamau oo wareysi siiyay telefishinka maxalliga ee KTN ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan saraakiil ku lahayn Afghanistan, balse ay jiraan Kenyaan u shaqeeya hay’ado caalami ah oo ay ku jiraan shirkado la isku haleyn karo.
Waxaa uu xusay in wadanka Afghansitan muddo dheer aysan xasilloni ka jirin islamarkaana uunan filaynin in kenyaan badan ay halkaasi tageen.
Tani ayaa ku soo aadeyso iyadoo kenyaan badan oo baraha bulshada ku xariirto adeegsada ay dowladda ka codsadeen in muwaadiniinteeda dib ugu soo celiso dalkooda.
Dhowr waddan oo ka mid ah dalaka reer galbeedka ayaa illaa hadda daad gureeyay muwaadiniintooda, waxayna qorsheynayaan inay howshan sii wadaan toddobaadyada soo socda.
Dalalkan waxaa ka mid ah Mareykanka, Jarmalka, Ingiriiska, Canada, Netherlands iyo Pakistan.
Dagaalyahanada Taalibaan ayaa la wareegay gacan ku haynta Afghanistan ka dib markii madaxweynihii dalkaasi Ashraf Ghani uu ka cararay wadankaasi 15-kii bishaan.