Khabiir siyaasadeed oo ka digay inay Al-Shabaab Soomaaliya la wareegi karaan

0
641

Sida deg dega ah ee ay Taalibaan ula Wareegtay dalka Afghanistan Ayaa sare u qaaday Walaaca laga qabo in Kooxaha kale ee Argagixisada lala Xiriiriyo ay ku dhiiradaan talaabo tan la mid ah guud ahaan Caalamka,sida Kooxda Al-shaaab ee Soomaaliya ka daaglanta.
Quburada amaanka ayaa ka digaya arintaan hadii Ciidamada Caalamiga ah ee Soomaaliya Nabad Sugida u jooga ay isku dayaan inay ka Baxaan dalka Soomaaliya.
Taliye ku xigeenkii hore ee Hay’ada Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka Soomaaliya ee NISA Cabdisalaam Yuusuf guulleed ayaa sheegay in Soomaaliya lagu arki karo wax la mid ah Xaaladda Afhganistaan haddii aysan dowladda Soomaaliya soo afjarin ku tiirsanaanteeda dhanka ammaanka ee ciidamada shisheeye, hal maalin uun kadib markii Al-shabaab ay ku Baahiyeen warbaahinta taageerta inay u dabaaldagayaan la wareegitaanka Taaliban ee dalka Afghaanistaan.
Cabdisalaam Gulleed ayaa sheegay in kastoo Al-shabaab aysan lahayn awoodda milatari ee Taalibaan oo kale, haddana aysan jirin cid ka hor istaagi karta hadii ay iskudaygaan oo kale Sameeyaan.
Bishii Afaraad ee sanadkan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa la Wareegay hoggaaminta hawlgalladada ka dhanka ah Al-shabaab sida lagu qeexay Qorshaha Kala -guurka Soomaaliya oo ay oggolaadeen dawladda Soomaaliya iyo Hawlgalka Midowga Afrika,Qorshahaan ayaana ah istaraatiijiyad ay ciidamada nabad ilaalinta Midowga Africa ee AMISOM si tartiib tartiib ah ugu wareejin doonaan mas’uuliyada amniga hay’adaha amniga dowlada Soomaaliya ka hor inta aysan gabi ahaanba dalka Soomaaliya isaga bixin AMISOM Maadaama Qorshihii la saxiixay Sanadkii 2018 ay ku jirtay dhimista ciidamada shisheeye ee Soomaaliya ku sugan.
Bishii hore Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya ayaa sheegay inay dileen in ka badan 250 dagaalame oo Al-shabaab ka tirsan kadib howlgalo aysan Qayb ka ahayn Ciidamada AMISOM oo ay keliya fuliyeen ciidamada militariga ee Soomaaliya.
Dhanka kale la -taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Cali, ayaa ku gacan sayray isbarbar -dhigga xaaladaha amniga ee Muqdisho iyo Kabul, ama milateriga Soomaaliya iyo ciidamada Afghanistan,Xili uu wareysi siiyay mid ka mid ah warbaahinta maxalliga ee Soomaaliya.
Cabdi Saciid La taliyaha amaanka ee Madaxweynaha Soomaaliy ayaa sheegay inaysan awood Siman lahayn Al-shabaab iyo Taalibaan,isagoo intaas ku daray in ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay hadda gacanta ku hayaan ayna mas’uul ka yihiin amniga inta badan gobollada dalka iyagoo taageero ka helaya ciidamada nabad ilaalinta ee AMISOM.
Dagaalameyaasha Al-shabaab ayaa Magaalada Caasimada ah ee Muqdisho waxaa ka saaray Sanadkii 2011-kii Ciidamada dowlada Soomaaliya iyo Kuwa Midowga Africa ee AMISOM balse kooxda ayaa wali fulisa qaraxyo iyo weeraro ku dhufo oo ka dhaqaaq ah, Waxayna dhowaan ku hanjabeen inay carqaladeyn doonaan doorashooyinka Soomaaliya ee socda, iyagoo uga digay ergooyinka qabaa’ilada inaysan ka qayb qaadan howlaha doorashooyinka.