Kooxda Taalibaan ayaa shaaca ka qaaday in cafis guud u fidisay dhammaan mas’uuliyiintii dowladda ee dalka Afghanistan.
Waxaa ay ku boorrisay inay ku laabtaan shaqadooda islamarkaana dib u bilowdaan nolol –maalmeedkooda.
Bayaan ka soo baxay xooggaga Taalibaan ayaa lagu yiri in mas’uuliyintii dowladda ay dib ugu laabtaan shaqadooda iyaga oo qaba kalsooni buuxda.
Tani ayaa ku soo aadeyso kadib markii ay xukunka wadanka Afghanistan ay la wareegeen kooxda Taaliban