Wasiiro Dowlaha Wasaarada waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee dowlada Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed (Jaabiri) oo Maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ee caasiamdda dalka Soomaaliya ayaa sheegay inaysan jirin wax faa’iido ah oo ay soo kordhiyaan Ciidamo shisheeyo oo wadamo kala ka howlgala Sanado madan maadaama 20 sano oo waqti iyo qarash badan lagu bixiyay ka dib dalka Afganistaan uu ugu dambayn gacanta u galay Kooxda Taaliibaan.
Waxaa uu sheegay in wixii ka dhacay Afghanistan iyo joogitaanka Ciidan Ajnabi laga barto inaysan waxba soo kordhineyn, balse ay muhiim tahay in Shacabka Soomaaliyeed ay dowladooda garab istaagaan si ay uga guulaysato Kooxaha dowladda dagaalka kula jira.
Waxaa uu intaas ku daray inay tahay arrin tusaalo lagu soo qaadan karo wixii ka dhacay Afganistaan ayna dalka Soomaaliya ku imaan karto hadii aan laga fikirin oo aan baaritaan lagu sameyn Ciidamada ay dowladda haysato iyo Awoodad ay u leeyihiin Mas’uuliyadda amaanka dalkooda.
Hadalkan kasoo yeeray Wasiiro dowlaha Wasaaradda waxbarashada Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxaaed (Jaabiri) ayaa kusoo aadaya xilli aad loo hadal hayay waxa dhici kara hadii Ciidamada AMISOM ay isaga baxaan dalka Soomaaliya.