Waxaa magaalada Naivasha ee ismaamulka Nakulu kulan ku yeelanayaan siyaasiyiinta ku midoobay ururka OKA ee kala ah Musalia Mudavadi , Kalonzo Musyoka , Gideon Moi iyo Moses Wetangula.
Madaxdan ayaa ka arrinsanaya mustaqbalkooda siyaasadeed ee sanadka 2022-ka.
Hasa ahaate waxaa soo baxaya warar sheegaya inay dhinac iskaga dhigeen xulashada cidda ku matali doonto tartanka madaxtinimo ee sanadka soo socdo.
Senatarka ismaamulka Kakamega Cleophas Malala sidoo kalena ah xubin ka tirsan xisbiga ANC ayaa warbaahinta faahfaahin ka siiyay waxyaabaha kulanka siyaasiyiinta ee maanta diiradda lagu saaray