Dowladda oo lagu wado in ay faahfaahiso saameynta dagaalkii Baladxaawo

0
632

Dowladda dhexe ee Kenya ayaa lagu wadaa in ay abaare 11-ka barqonimo ee maanta qabato shir jaraaid oo ku saabsan iskudhacyada ka taagan gobolka Gedo Soomaaliya iyo saameynta ay ku yeelan karaan xiriirka ka dhexeya labada dal ee dariska ah.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday afhayeenka dowladda dhexe Mr. Cyrus Oguna oo qoraal soo dhigay bartiisa rasmiga ee Twittarka
Tani ayaa imaanaysa iyadoo Kenya ay soo dhaweysay warbixin uu soo saaray guddi urur goboleedka IGAD uu u magacaabay inuu soo hubiyo eedeymo ay dowladda Soomaaliya u jeedisay Kenya oo ku aaddanaa inay faragelinayso arrimaheeda gudaha.
Warbixinta ayaa lagu xusay in aan la soo bandhigin caddeymo wax ku ool ah oo loo cuskan karo in Kenya sida ay sheegtay Soomaaliya ay garab siinayso ciidamo ka amar qaato wasiirka amniga ee Jubbaland Cabdirashiid Janan oo ka soo horjeeda dowladda federaalka ee Soomaaliya.