Golaha ismaamulka Kirinyaga oo beeniyay inuu ansaxiyay hindise sharciyeedka BBI

0
533

Guddoomiyaha golaha hoose ee ismaamulka Kirinyaga Anthony Waweru ayaa gaashaanka u darruuray in wakiillada dowlad deegaankaas ay ansaxiyeen hindise sharciyeedka BBI.
Mas’uulkan ayaa sheegay in wakiillada ay weli fasax ku maqan yihiin sidaas awgeedna ay been abuur yihiin warar lagu faafiyay baraha bulshada.
Mr. Anthony Waweru, ayaa bayaan uu soo saaray ku xusayn in kal-fadhiyada golaha ay dib u billaaban doonaan 8-da bisha labaad ee sanadkan.
Dhawaan ayay ahayd markii guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada ee IEBC uu xaqiijiyay 1.14 milyan oo ah saxiixyada BBI