DHAGEYSO:Kulan looga hadlayay Qatarta Lacag dhaqista oo Muqdisho lagu soo gabagabeeyay

0
490

Kalan ay isugu yimaadeen Masuuliyiinta ka howlgala shirkadaha maaliyada Madaxabanaan ee Soomaaliya loogana hadlayay halisaha ka dhalan kara dhaqdhaqaaqa Maaliyada iyo Danuubka lagu galo Lacagta ayaa Magaalada Muqdisho lagu soo gabagabeeyay.
Shirkaan waxaa ka qayb galay Gudoomiyeyaasha Bankiyada iyo Xawaaladaha la isku waydaarsaday dodo iyo aragtiyo ku saabsan hormarinta Hay’adaha Maaliyada Madaxabanaan, qorshiyaasha iyo Xiriirinta kala duwanaanshaha Bankiyada iyo Xawaaladaha oo khuburada sheegtay inay Itaal daro dhexdooda ka jirto.
Dhamaan Masuuliyiintii Goobta ka hadashay ayaa hoosta kawada Xariiqay muhiimada ay leedahay isku Xirnaanshaha Bankiyada iyo Xawaaladaha Madaxa Banaan ee Soomaaliyeed waxayna sidoo kale sheegeen in shirkaan wax badan oo soo kordhindoono,maadaama Wadashaqayntu ay muhiim u tahay Hormarka dhaqaalaha dalka.

Shirweynaha wadatashigaqaymaynta Qataraha Lacag dhaqista iyo Maalgalinta argagixisada ayaa Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya wuxuu ka furmay 23 Bishaan Janaayo waxaana looga hadlay sidoo looga hortagi laahaa Maalgalinta kooxaha argagixisada ah iyo dhibaatooyinka ka dhasha lacag dhaqida.