Madaxweynaha Maraykanka Joe Biden ayaa ergey gaar ah oo matalaya u diraya dalka Itoobiya si uu gacan uga gaysto soo afjaridda dagaallada saameeyay gobolka Tigray.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo walaac laga muujinayo xaalad baniaadanimo oo ka dhalatay isku dhacyada.
La taliyaha aqalka cad ee dhanka amniga Jake Sullivan ayaa shaaciyay safarka uu Jeffrey Feltman ku tagaya Itoobiya.
Waxaa uu dhanka kale dowladda Itoobiya iyo kooxda xoreynta shacabka Tigray ee (TPLF) u soo jeediyay inay heshiis gaaraan sagaal bilood ka dib xilligii ay dagaalladu billowdeen.
Sullivan ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in dagaallada ay ka dhasheen dhibaatooyin iyo kala qaybsanaan sidaas awgeedna Itoobiya aynan caqabadaha ka jiro uga soo kabsan karin iskudhacyo.
Waxaa uu qoraalka ku sheegay in dhinacyada is haya ee Itoobiya laga doonayo inay sida ugu dhakhsiyaha badan isugu yimaadaan miiska wada xaajoodka.