Golaha talasiinta muslimiinta dalka oo cambaareeyay hadal u jeediyay Aadan Barre Ducaale

0
876

Hoggaamiyaasha muslimiinta dalka ayaa cambaareeyay hadal uu jeediyay xildhibaanka deegaanka Garissa Township Aadan Barre Ducaale.
Mr. Ducaale ayaa xilli uu wareysi siinayay telefishinka maxalliga ee Citizen waxaa uu xisbiga ODM la barbardhigay kaniisadda kathooliga.
Xildhibaanka ayaa xusay in ODM ay la mid tahay goob cibaado oo ay cidna ka hadli karini.
Hadalka mudanaha laga soo doortay deegaanka Garissa Township ayaa loo fasirtay inuu ula dan lahaa hoggaamiyaha ODM Raila Odinga.
Golaha qaran ee ka talo-bixiya arrimaha islaamka ee KEMNAC oo fadhigoodu yahay ismaamulka Mombasa ee gobolka Xeebta islamarkaana uu guddomiye u yahay Sheekh Juma Ngao ayaa sheegay in hadalka Mr. Ducaale uu muujinayo ixtiraam la’aanta diimaha kale.
Sh. Juma ayaa xusay Kaniisadda kaathooligga loo aqoonsan yahay diin islamarkaana diinta islaamka ay nafareysa inaan ixtiraamno dhammaan diimaha kale.
Waxaa uu intaa ku dartay in la is barbar dhigga xisbi siyaadeed iyo kaniisadda Kaathooligga ay ka dhalan karta cadaaawad u dhexeysa muslimiinta iyo masiixiyiinta dalka.
Hasa ahaate Sheekh Ngao ayaa xusay in siyaasaddu aysan mar walba micnaheedu ahayn in siyaasigu qof aflagaadeeyo marka uu hadlayo.
Xildhibaan Aadan Barre Ducaale ayaa dhankiisa qoraal uu soo saaray iskaga fogeeyay eedeynta loo jeediyay.
Waxaa uu sheegay inuu dhaliilayay xisbiga ODM balse uunan u dan lahayn kaniisadda.
Ducaale ayaa tilmaamay inuu yahay qof diin leh oo ixtiraam u haya diimaha kale.