Qaar Ka mid ah shacabka ku nool deegaanka lagu Magacaabo Maqaaxida Inanta oo dhaca Galbeedka Magaalada Hargaysa ee Soomaaliland ayaa isugu soo baxay Banaanbax ay ku Muujinayeen Cabashada ay ka qabaan Dhul ay sheegeen in si sharci darro ah loogala Wareegay.
Waxaa ay sheegeen in dhulkooda ay Si aan sharciga Waafaqsanayn ula wareegeen mas’uuliyiin hore oo ka tirsanaa dowladdii hore ee Caasimadda Hargaysa.
Dadweynahaan ayaa sheegay inaysan Wali wax Cadaalad ah helin ayagoo maayarka Cusub ee Magaalada Hargaysa ugu baaaqay inuu arrintaan soo fargaliyo oo uu dib ug Soo Celiyo dhulka sida sharci darrada ah looga qaatay.