Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa ciidamada ammaanka amar ku siiyay inay sameyaan baaritaano qoto dheer oo looga sal gaaraya cidda ka dambeysay dilka labo wiil oo walaalo ah.
Waxaa uu Mr. Kenyatta carrabka ku adkeeyay inay khasab tahay in la ogaado sida wiilasha oo ay boolisku xireen looga war helay iyagoo meyd ah.
Hoggaamiyaha dalka ayaa intaa ku daray in xabsiyada wadanka loogu talagalay in lagu hayo eedeysanayaasha inta laga gabagabeynaya baaritaannada la xiriira falka lagu tuhmayo.
Amarka madaxweyne Uhuru Kenyatta ayaa ku soo beegmaya ka dib markii dhawaan wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha ee dalka Dr. Fred Matiang’i uu sheegay inay caddaalad heli doonaan xubnaha qoyskaasi oo ku nool ismaamulka Embu.
Wasiirka ayaa sheegay in la dardargelin doono baaritaanada ku aaddan arrinkan.
Ballanqaadan ayuu Matiang’i sameeyay xilli uu la kulmay qoyska Benson Njiru oo 22 sano jir ahaa iyo Emmanuel Mutura oo da’diisu lagu sheegay 19.
Dr. Matiang’i , taliyaha guud ee booliska Hillary Mutyambai iyo xeer ilaaliyaha qaranka Kihara Kariuki ayaa qoyska labada wiil ee la dilay u xaqiijiyay in saraakiisha booliska ee falkan lagu cadeeyo laga qaadi doono tallaabo sharciyeed.