Yaa ku soo baxay doorashada Kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug

0
418

Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ka dhacday doorashada lix kamid ah kurasta Aqalka Sare, waxaana ku tartamayay 12 musharax oo uu soo gudbiyay Madaxweynaha Galmudug.
Kursiga koowaad ayaa waxaacCod gacan tag ah ay xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Siciid Siyaad Shirwac oo ka mid ahaa Golaha Wasiirada Galmudug ka dib markii uu u tanaasulay Maxamed Daahir Maxamed oo la tartami lahaa, balse doorashada ka haray.
Kursiga labaad ayaa waxaa cod gacan tag ah ay xildhibannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Yuusuf Geella Ugaas oo Afartii sano ee la soo dhafay kursigan ku fadhiyay si la mid ah markii uu tartanka isaga haray Daahir faarax fiidow oo mar wasiir ku xigeen ka soo noqday Galmudug.
Kursiga Saddexaad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhagdheer) oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiyay kadib markii uu tanaasulay Musharax Nuur Xassan Guutaale.
Kursiga Afaraad ayaa waxaa Cod gacan tag ah ay Xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Samsam Daahir Maxamud oo Afartii sano ee la soo dhaafay kursigaas ku fadhiday kadib markii ay tanaasushay Musharax Farxiyo Maxamed Guurre
Kursiga Shanaad ayaa waxaa cod gacan taag ah ay xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Cabdi Xakiim Macalin Axmed oo Afarsii sano ee la soo dhaafay ka tirsanaa Golaha Shacabka balse u soo wareegay Aqalka Sare kadib markii ay u tanaasushay Ismahaan Cabdi Xussen.
Kursiga ugu dambeeya ee doorashadii maanta ka dhacay Dhuusamareeb ayaa waxaa cod gacan taag ah ay xildhibaannada Galmudug ugu codeeyeen Senator Duniyo Maxamed Cali oo Afartii sano ee la soo dhaafay ka tirsaneyd Golaha Shacabka balse u soo wareegtay Aqalka Sare kadib ay u tanaasushay Musharax Khadra Cabdhlahi Isxaaq.