Dowladda Afghanistan oo codsatay in Taliban ay la qeybsato awooda

0
428

Dowladda Afghanistan ayaa soo bandhigtay codsi ah in Taliban ay qeyb ka noqdaan awooda dalkaasi si loo joojiyo dagaalada ka socda wadanka.
Waxaa arrintani shaaciyay sarkaal sare oo ka tirsan xukuumadda.
Warbaahinada maxaliga ah ee dalka Afghanistan ayaa sido kale wariyay isla arrintan iyada oo Taliban ay isbuuc gudihiisa ku qabsadeen 10 gobol.
Wararku ayaa intaasi ku daraya in dowladda Afghanistan ay dalabkani toos ugu soo bandhigin Taliban, balse ay u martay Qatar oo iyadu garwadeen ka ah ololaha nabadda ee dalkaasi.
Balse madaxtooyada Kabul ayaa ku adkeesatay in qorshihii nabadda ee ay hor jooga u ahayd Qatar uusan wax iska bedalin.