Dadweynaha ku nool xaafadda isku raranta ah ee Bangladesh ee Mombasa ayaa cabasho ka muujinaya biyo yari soo foodsaartay.
Shacabka ayaa dhigay dibadbax ay dareenkooda ku muujinayaan kaasoo sababay ciriiri isku socodka baabuurta ah.
Waxay sheegayaan in caqabaddan ay haysatay muddo 5 sano ah in kastoo uu jiray samafale caawinayay oo labadii toddobaad ee ugu dambeeyay aan wax taageero ah u muujin.
Dowladda ismaamulka Mombasa ayay ka dalbadeen inay xalliso dhibaatada dhanka biyaha ee ay dadweynaha wajahayaan.