Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa tacsi u diray qoyska, ehellada iyo asxaabta xildhibaankii hore ee deegaanka Kamukunji ee xaafadda Islii ay ka tirsan tahay ee ismaamulka Nairobi George Gregory Wilson Nthenge.
Waxaa uu ku tilmaamay inuu ahaa oday dowladnimada jeclaa oo kaalin weyn ka qaatay halgankii gobonimo-doonka ee Kenya.
Mr. Kenyatta ayaa intaa ku daray in Mzee Nthenge uu ahaa oday si weyn loo ixtiraamo islamarkaana u ololeyn jiray dimuqraadiyadda.
Mudanihii hore ayaa geeriyooday xalay isagoo 94 sano jir.
Wiilkiisa curadka oo lagu magacaabo Ootto Edward Musembi Nthenge, ayaa sheegay in aabihiis uu ku dhintay hoygiisa ku yaalla xaafadda Buruburu ee Nairobi, ka dib markii laga saaray isbitaalka Nairobi Hospital dhowr toddobaad ka hor.
Mr. Nthenge ayaa soo noqday xubin ka tirsan golaha xeer dejinta ee degmada Machakos sanadkii 1960-kii balse haatan loo beddelay maamul goboleed.
Sannadihii 1960 -meeyadii, 1970 iyo 1980 -meeyadii, wuxuu ahaa xildhibaankii Koonfurta Iveti ee dowlad deegaanka Machakos.
Intii u dhexeysay sanadii 1992 illaa 1997-dii, wuxuu soo noqday xildhibaanka deegaanka Kamukunji ee magaalada Nairobi, waxaana lagu xusuustaa inuu ka mid ahaa xubnihii aasaasay xisbiga Ford-Kenya.
Waxaa uu sidoo kale ka mid ahaa qoraayaashii dastuurkii ugu horreeyay ee Kenya.
Xildhibaanka hore ayaa ifka uga tagay 7 carruur ah oo uu dhalay.
Waxaa sidoo kale geeridiisa ka tacsiyeeyay barasaabka ismaamulka Machakos Alfred Mutua.
Waxaa uu ku sifeeyay inuu ahaa hoggaamiye karti iyo aragti dheer leh.
Dr. Mutua ayaa intaa ku daray in Mzee Nthenge uu mid ka mid ahaa hoggaamiyeyaashi ugu sumcadda wanaagsanaa ee dalka soo maro.
Home Wararka Kenya Madaxweynaha dalka oo ka tacsiyeeyay geerida xildhibaankii hore ee deegaanka Kamukunji