Madaxweynaha dalka Mr. Uhuru Kenyatta ayaa muwaadiniinta ku boorriyay inay si dhow ula shaqeyaan saraakiisha ammaanka ee u xilsaaran dhaqangelinta nidaamka iyo xeerarka kala dambeynta ee wax lagu maamulo.
Waxaa uu hoggaamiyaha dalka sheegay in booliska iyo ciidamada kale ay shaqo wanaagsan u hayaan dalka sidaas awgeedna ay mudan yihiin in garab la siiyo.
Mr. Kenyatta ayaa dhanka kale sheegay in maamulka talada haya ee Jubilee ay ka go’an tahay sidii loo qalabeyn lahaa waaxda qaran ee adeegga booliska.
Madaxweynaha ayaa shacabka u sheegay in saraakiisha booliska aynan ahayn cadowga dadweynaha balse saaxiibadooda.
Hadalkan ayuu Mr. Kenyatta jeediyay xilli uu ku sugnaa xaafadda Ngong ee ismaamulka Kajiado halkaas oo uu dhagax dhigay dhismaha akadeemiyaha qaran ee hoggaanka booliska.
Hadalkan ayuu Mr. Kenyatta jeediyay xilli uu ku sugnaa xaafadda Ngong ee ismaamulka Kajiado halkaas oo uu dhagax dhigay dhismaha akadeemiyaha qaran ee hoggaanka booliska.