DHAGEYSO:Guddiga NCIC oo siyaasiyiinta uga digay in ay shacabka u kala qaybiyaan sabool iyo maalqabeen

0
548

Guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa soo saaray digniin uu u dirayo madaxda siyaasadeed ee wadanka.
Phillip Okundi oo ka mid ah saraakiisha sar sare ee NCIC ayaa hoosta ka xarriiqay in xeeladdan siyaasadeed ay horay wadamo kale dhibaatooyin ugu horseedday.
Waxaa uu carrabka ku adkeeyay in aan marnaba loo baahneyn in madaxda siyaasadeed ay jeediyaan hadallo dadka saboolka ah ku marin habaabinayaan iyagoo ka dhaadhicinaya inay jirto xuquuq dhanka hoggaanka ah oo kaga maqan maalqabeennada
Dorcas Kedogo oo ka mid ah saraakiisha guddiga qaran ee isdhexgalka iyo mideynta shacabka ee NCIC ayaa dhallinyarada uga digtay in aan arrinkan lagu duufsan oo ay ka fikiraan dhibaatada soo gaari karto marka si aan habbooneyn loo adeegsado.

Mas’uuliyiintan ayaa carrabka ku adkeeyay in siyaasiyiinta laga doonayo oo keliya in ay diiradda saaraan u adeegidda shacabka balse aynan ku mashquulin arrimaha xasarad iyo colaad ka dhex abuuri karo.