Ololaha qaran ee ka dhanka ah isticmaalka maandooriyaha ee NACADA ayaa sheegay in dugsiyada dalka uu ku batay isticmaalka daroogada noocyadeeda kala duwan.
Warbixin ay dhawaan NACADA soo saartay ayaa tilmaamaysa in carruur ay da’doodu tahay 4 sano ay isticmaalaan khamri iyo maandooriyaasha kale.
Warbixintan oo baarlamaanka loo gudbiyay ayaa lagu xusay in caqabaddan loo aaneynayo waalidiinta qaar oo mas’uuliyadooda gabay.
Sidoo kale waxaa baaritaanka lagu ogaaday in tirada ardayda ee daroogada isticmaalaya ay suuragal tahay inay ka sarreyso midda la soo tabiyo.
NACADA ayaa sheegtay inay tahay arrin walaac laga muujiyo sida ardayda dhigta dugsiyada hoose dhexe iyo sare ay ugu fududdahay inay helaan daroogada ay doonayaan.
Waxaa dhibaatadan khatar ugu jiro carruurta ay waalidiintooda iyo dadka mas’uulka ka ah ay adeegsadaan maandooriyaha.
Madaxa fulinta ee NACADA Victor Okioma ayaa hoosta ka xarriiqay in waalidiinta looga baahan yahay inay si dhow ula socdaan hab-dhaqanka carruurtooda iyo shakhsiyaadka ay inta badan wakhti la qaataan.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladdu ay waddo qorsho lagu beddelaya qaar ka mid ah xeerarka u degsan la tacaalidda maandooriyaha si tallaabooyin adag looga qaado shakhsiyaadka ka ganacsado.
Soo jeedinnada arrinkan ku aaddan waxaa ka mid ah in cidii lagu helo ka ganacsiga daroogada laga qaado ganaax lacageed oo dhan 50 milyan oo shilin ama lagu xukumo xabsi daa’in.
Hindise sharciyeedkan ay soo saartay NACADA waxaa ku xusan in saraakiisha ammaanka ee la shaqeysta ama garab siiya dadka ka macaasho daroogada iyagana la ciqaabo.
Darasaad ay sanadkii 2019-kii sameysay NACADA ayaa lagu ogaaday in 508,132 ama boqolkiiba 23.4 oo ka mid ah ardayda dugsiyada sare ee dalka ay tijaabiyeen nooc ka mid ah daroogada.
369,155 oo tiradan ka mid ah waxay xilligaas sheegeen inay isticmaaleen khaadka halka boqolkiiba 14.5 ay hoosta ka xarriiqeen inay isticmaalaan tubaakada.
Marka la eego dugsiyada hoose dhexe ee dalka sanadkii 2018-kii darasaad ay NACADA sameysay ayaa lagu ogaaday in boqolkiiba 20.2 ee ardayda ay isticmaaleen ugu yaraan hal nooc oo ka mid ah daroogada.